Deeq A. Posted March 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidnimadii caawa ka dhacay isgoyska Laba Dhagax ee Muqdisho Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay miino nooca meelaha fog laga hago ah ayaa la tilmaamay in lala beegsaday gaari Cabdi Bilaha oo meesha marayay. Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tiro oo badan dad ku ganacsayay halkaasi. Illaa iyo haatan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa dhacdadaasi oo dadkii ku waxyeeloobay loola cararay goobaha caafimaadka. Wali ma jiro war sugan oo ku aadan qaraxaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Shalay ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex uu sababay geerida hal qof iyo dhaawac labo kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites