Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo looga digay in ay xerto xeryaha Dhadhaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nariobi (SMN) – Ha’yadda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si weyn uga soo horjeedsatay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ha’ayadda ayaa xustay in hadii Kenya ay ka dhabeyso go’aanka ku aadan xiritaanka xeryaha Dhadhaab ay sababi doonto xaalad bini’aadanimo oo saameyn ku yeelata malaayiin qaxooti ah oo xeryahaasi ku nool.

Dowladda Kenya ayaa qoraal ay horay ugu gudbisay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay qorsheeneyso in bisha soo adan ee August albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Irungu Houghton, madaxa Amnesty International ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in go’aan walba oo dowladda dalkaasi ku xireyso xeryaha Dhadhaab baal-marsan yahay go’aan ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Maxkamada sarre ayaa ku tilmaamtay xiritaanka xeyahaasi mid sharci darro ah.

Sidoo kale, Mr Houghton ayaa ku tartarsiiyay dowladda kenya in aysan ku qasbin qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab in ay halkaasi baneeyaan, ilaa ay helaan dib u dajin rasmi ah.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this