Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka.

xasan.jpg

Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey.

Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta  Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta  Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku  guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka  laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan  hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse   Hassan Geedoole oo  caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu  ku dambeyn doono shaadh madoobaha  Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina  bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado.

Dadka siyaasada  dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo.

Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey  reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa  lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale.

 

Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii  halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday  dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay.

Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu  ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka  ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland.

Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay  iyo Hassan geedoole.

Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.

Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku.

Maqaalka  kan  xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku  qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole.

La soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo  bandhigi doona,

 

Warfaa Ismail Yusuf.

Hargeisa -Somaliland

27/03/2019

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this