Deeq A. Posted March 27, 2019 Muqdisho ( SMN) – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5-aad ee golahaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Hab-dhowraha Aqalka Sare C/Kaafi Macalin Xasan oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kalfadhooda uu si rasmi ah uu furmayo kowda bisha soo socota ee April. Kulanka guddiga joogtada ee Aqalka Sare waxaa shir guddoomiyay guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi, iyadoona looga arrinsaday caqabadaha hor yaalla golahaasi, maadaama marar badan uu dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhigan. Haddii ay furmaan kulamada Aqalka Sare ayaa waxa horyaalla Hindise Sharciyeedyo dhowr ah oo u baahan in ay meel mariyaan xildhibaanada golahaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites