Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Turkiga oo la kulmay R/wasaaraha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ra’iisal wasaare Xasan Cali KhAyre iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya Maryan Aweys.

Qoraal kooban oo lagu so daabacay barta twitterka ee safaaradda Turkiga ayaa lagu shaaciyay in danjire Mehmet Yilmaz uu kulan la qaatay ra’iisal wasaareaha  iyo wasiirka dekedaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta badan looga hadlay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulineyso Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale danjiraha Turkiga ee Soomaliya Mehmet Yilmaz  iyo wasiir Maryan Aweys ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashaan lahaayeen horumarinta dakedaha.

Shirkadda fadhigeedu yahay Turkiga ee Al-Bayrak ayaa maamusha dekedda Muqdisho,taas oo dhaqaalo badan ay ka hesho dowladda Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dibloomasiyadeed oo soo jireen ah,waxayna iska kaashadaan dhinacyada Milatariga,dhaqaalaha iyo bani’aadanimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this