Deeq A. Posted March 27, 2019 Qardho (SMN) – Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee G/Bari. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiyiinta degmadaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo Qardho madaxweynaha Puntland waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo waxgaradka magaaladaasi. Ujeedada socdaalkan ayaa ah mid la xariira ugu kuur galida xaaladaha ka jira deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni ayaa u sii gudbi doona saacadaha soo socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, si uu u booqdo halkaasi. Waa safarkiii ugu horreeyay ee uu Deni ku marayo Qardho iyo Boosaaso, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland. sideedii Janawari ee sanadkan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites