Deeq A. Posted March 27, 2019 Nairobi (SMN) – Wararka laga helayo Kenya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay shil geystay khasaaro xoogan oo ka dhacay gudaha dalkaasi. Shilka ayaa yimid, kadib markii gaari Xumuul ah oo siday dad rakaab ah uu ku rogmaday deegaanka Matuu oo hoostaga degmada Majaakoos ee dalka Kenya Gaari gadoomay oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Sako ayaa la sheegay in uu ka soo baxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday magaalada Nairobi. Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay illaa 15 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay shilkan ayaa lagu soo warramayaa in u badan yihiin dad Soomaali ah. Inta badan waxaa gudaha Kenya ka dhaca shilal geysta khasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites