Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka qorsheynta XFS oo shir ka furay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta shir muhiim ah ka furay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Shirkan oo ah mid wadatashi ah ayaa la xariira diyaarinta qorshaha sagaalaad ee hormarinta Qaranka.

Xubno ka tirsan maamulka Puntland, ururada rayidka ah iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay shirkaasi.

Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah geedi socodka Deyn cafintaSoomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, waxaana horay loogu qabtay Jubbaland iyo K/Galbeed.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya uu gaaray Garowe, kaas oo si diiran lagu doo dhaweeyay magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this