Deeq A. Posted March 27, 2019 Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in ay xirto xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dhadhaab oo hoy u ah illaa iyo 230,000 oo badankood ah Soomaali. Dokumentiyo qarsoodi ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee AFP ayaa muujinaya in Kenya ay dooneyso in ay xirto xeradaasi bilaha soo socda. Xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ku dhawaad 30 sano hoy u aheyd boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu wadaa in la xiro dhamaadka bisha August ee sanadkan. Warar hoose oo laga helay laanta qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegaya in Kenya ay ku wargelisay xilliga rasmiga ah ee gebi ahaanba la xirayo xeradaasi Dowladda Kenya ayaa sababaha ay u xireyso Dhadhaab ku sheegtay in halkaasi laga soo abaabulo weerarada Al Shabaab ay ka fuliyAaan gudaha dalkaasi. Dowladdaha Soomaaliya,Kenya iyo hay,adda UNHCR ayaa sanadkii 2013 ku heshiiyay qorshe qaxootiga ku jira xeradaasi dib dalkooda loogu celinayo, iyagoo aan la qasbin Xeritaanka Dhadhaab ayaa saameyn ku yeelan doonto boqolaal kun oo qaxooti ah, iyadoo arrintaasina ay walaac ka muujiyeen qaar ka ka mid hay,adaha gargaarka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites