Deeq A. Posted March 27, 2019 New York (SMN) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay muddo kordhin hal sano ah u sameyaan howlgalka QM Soomaaliya ee UNSOM. Magaalada New York ayaa waxaa la filayaa in ay isugu yimaadaan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Xafiiska siyaasada QM ee Soomaalya ayaa taageero siiya dowladda federaalka ah iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2017 sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro Soomaaliya sanadka 2020-ka. Ugu dambeyn golaha ayaa sheegay in la xoojinayo taageerada la siiyo Ciidamada Soomaaliya, si ay ula wareegaan amniga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites