Jacaylbaro Posted May 11, 2009 Waxaan ku toosay dhawaaqa telefoonka gacanta lagu qaato ka baxaya. Waxaan dareemay in farriinni isoo gaadhay, inta baddana qaybta farriimaha waxaan ku bartay in ay farriimo muhiim ah iiga soo dhacaan. Sida: Xayaysiis-yada ay shirkadda Telesom u samayso shirkadaha ganacsatada, iyo bushaarooyin kale oo qiimo le. Waxaa kale oo mar-mar iiga baaqi jiray saaxiibkay Muxiyaddiin oo iiga soo sheegi jiray warar farxad le oo kala duwan. Telefoonkii ayaan soo dhuftay anniga oo aan aad indhaha u kala hayn, oo hurdo badan oo aan ku jiray lasii qurducsanaya. Waxaan faro hurdo la tabcaan ah ku guji-yay telefoonkii, markaasaan akhriyay fariintii. “Cidkasta oo halkaa joogta waan salaamay, ma danaynaysaa in aad noqoto wehel kaygii dhabta ahaa?” Ma garanayo cid ii soo dirtay farriin-tan, Waan iska masaxay sida ay u dhammayd, telefoonkiina waxaan saaray miis ka ag dhowaa sariir tayda. Waxaan isku habeeyey in aan mar kale nafta waan-waan kula galo sidii ay halkii uga sii amba qaadi lahayd hurdadii ay ku jirtay, indhihiina waan is geliyay anigoo aad moodo in aan qasab isku seexinnayo, ayuu codkii aleen-kayga ee tilmaanta u ahaa farriimuhu yeedhay haddana. “Markale iyo salaan, ka fiirso in aad noqon karto wehel kaygii farriimaha aleen ka gacanta”. Ayay haddana fariintii kale igu tidhi. Anigoo waanwaantii iyo hurdadii aan sasabay iga duushay, intaan saani u soo sare fadhiistay indhahana si fiican u kala furay ayaan naftayda waydiiyay “Wa ayo qofkan habaarka qaba ee wehel ka i waydiinaya goortan Eygiina lafta dhigay?” Aniga oo aan is rebshinba ayaan iska masaxay haddana fariintii la ii soo diray. Weligay ma caadeysan isticmaalka farriimaha la iskaga diro aleenka gacanta, mana jeclayn, haddeerna ma jecli. Waalidkey oo waddanka dibaddiisa ku maqnaa ayaa igu khasbay in aan telefoon yeesho, telefoon-kaasina uu ahaado mid la iga heli karo goor walba oo diyaar ah. Marar badan oo habeen iyo maalinba ah waxay kala socon jireen xaaladayda nololeed iyo halka aan ku sugannahay. Waxaan damcay in aan iska damiyo, laakiin waxaan xasuustay dardaarankii hooyaday ee ahaa “Hooyo haddii aan telefoonka kaa waayo waxaan u fahmi doonaa in ay wax kugu dhaceen, markaa haddii aad caafimaad kayga ilaalinayso waa in aan telefoonka kaa helaa goor walba, si aan u xaqiijiyo in aad nabad ku bariisatay iyo in kale” Ereyadaasi ayaa sida mawjadda naftayda ku soo butaacay oo iga hakiyay in aan damiyo oo ka raysto farriimahan jin iyo jaan ee aan ka seexan kari la’a hay. Markii aan dib indhaha isku geliyay ee aan ku noqday hurdadaydii bilaa riyada ahayd, telefoonkii ayaa dhawaaqay haddana. Waa isla nambarkii uun haddana….Waa cajiib!“Waxba ha isku shuqlin in aad garato ruux-dan kelinnimada joogta. Iyada lafteeduna ku garanmayso, laakiin waxaan doonayaa in aan noqdo saaxiibkaa, magacayga waxa la yidhaahdaa Maryan Cawad. Adiguna ma ii sheegi kartaa kaaga?Waan yaabay, iyada lali hurdo dambe oo aan la dhakoolo. Waxaan u holladay in aan su’aashan si buuxda uga jawaabo “ Magacayga waxaa la yidhaahdaa Jamaal”, Si aan fursaddan hadalka furmay ah uga faa’iidaysto ayaan intaa u raaciyay “sidee-baad ku soo heshay oo aad ku dooratay nambarkayga oo aad weliba goortan farriimahan iigu soo dirtay? “mahadsanid Jamaal, aad baan ugu faraxsanahay in aan kula kulmo. Waxaan numberkaaga ku helay waxaan isku celceliyay labada namber ee u dambeeya telefoon-kayga, waxaanan ku daray nambarka saddex iyo toban oo ay dadku ku sheegaan nambarka nasiib darida” sidaasay kaga soo jawaabtay iyadoon iskuba lurin su’aashaydii. Waxay ahayd markii u horaysay ee aan telefoonka qof ka barto, isla markaa kala kulmo, dabcan waana markii u dambaysay.Habeenkaas waxaanu is waydaarsanay farriimo, si fiicanna waanu isku barannay. Waxaanu is nabadgelyaynay markii cadceeddu fooda la soo baxday ee ceeryaantii dhirta ku jiiftay-na ay widhwidhisay, dhulkuna uu soo diirayo oo uu soo dhawaynayo fallaadhaha cadceedda. Sidaasay iigu bilaabantay waabaydii udugga lahayd ee Hadraawi maansadii Arraweelo kaga faallooday. Maalinna ima ay dhaafin ilaa aan farriin ka helo mooyee. Dabadeed waxaan ku dambeeyey in aan isha ku hayo telefoonka, dhegahana kala socdo dhawaaqa tilmaama in farriin la hellay. Waxaanan u farxi jiray si wayn marka aan maqlo codka sheega farriimaha ee telefoon-kayga gacanta ama aleen-kaba, waxaanan rajeeyaa markaaba in ay Maryan tahay, haddii xataa cid kale ay tahay waxaan ka jecelahay in ay Maryan ahaan lahayd. Waxay daaha si fiican uga fayday Maryan, arrin aannan weligay isku ogeyn; waxaan rumaystay in aan ahay qof wax jeclaan karaya, oo qalbigiisu u bisil-yahay kalgacayl.“Waxaad ii tixgelisaa in aad tahay saaxiibkay, aniguna qalbigayga ayaan ku dhigi doona, oo aan kugu dhex ilaalin doonaa, dabadeed inta aan qufullo ayaan furihiisana tuurri doonaa, si aanu qof keliya oo adduunka guud kiisa joogaa iiga kaa fogayn Karin.” Maalin ayay farriintan ii soo dirtay. Waan ka baqay in aan ka jawaabo. Mar dambe ayaa waxaan go’aan saday in aan ka jawaabo: “Waxaa laga yaabaa in aanad noloshaada heli Karin qof run ah, haddii aad hesho haddaba mid dadkaa wanaagsan ee tirada yar ka mid ah, ku dheg oo ha sii dayn…qiimee oo qadari, waayo waa hadyaddii nolosha waxaannu u qalmaa in la ilaaliyo…” Madaxaygu wuu gilgilmay, mana garanayo sababta, laakiin jawaab-teedii waxay ciiro kalgacal ku kicisay wadnahayga. Waxay iigu soo jawaabtay markale “Qiimee qofka noloshaadu dareento, waayo, garan-maysid maalinta uu godgelidoono adiga hortaa ee uu adduunyada kaaga tegi dibna aanu kuugu soo noqon doonin” Ma garanayo waxaan dareemayo ee qalbigayga sida dabaylaha u ruxayaa, laakiin waxaan sida wad-kayga u hubaa…in maalin qudh ah oo noloshayda kamid ah aannan joogi karin oo aanay maalintaasi iwaydaarankarin, aniga oo aan ka helin hal kelmad Maryan. Iyada oo aannaan weli is arag waxaan noqday hayin u hoggaansan jacayl, durba qalbigayga ku yeeshay xididdo dhumuc iyo laxaadba le. Waxaana hubaal ah in ay buux dhaafisay hankii kalgacal ee qalbigayga, iyo guud ahaan rabitaankii noloshayda oo dhan. Waxaa wadnahayga hoganaya su’aalo faro badan oo aannan daafad iyo itaal toona u haynin in aan ka jawaabo. Waayo maba garanayo intooda badan waxan kaga jawaabo. Naftaydu waxay i waydiinaysaa, su’aalo uu ka xoog badan yahay jacayl-kan hummaaga ah ee aanan arag, haddana aannan maalin kali ah ka nasan Karin ee aan u hayo qofkan aanan weligay arag ee haddana wadnahaygu weheshanayo farriimaihiisa sida warmaha wadnahayga ka dhex tafa habeen iyo maalinba. Waxaan u qoray farriin kale si aan uga jawaabo fariiteedii u dambaysay. “Waxba wehelnimadaadu ii tari mayso haddii aad maalin iga tegi doonto; wehelnimada aan kaa dhiganayaa waxba ku filaan mayso haddii indhahayga aad ka ilmaysiin doonto, jacaylkaaguna guud ahaan wuxuu noqon doonaa barkuma taal haddii aad iga fogaandoonto oo aanad ila joogayn”. Garan maayo sababtaan u qorey ee aan ugu diray farriinta caynka u taalla, laakiin haddana ugu yaraan wadnahaygu wuu dareemayaa waannu garanayaa sababta, waayo kelmad waliba waxay ka imanaysaa isaga. Wakhti yar oo aanu is waydaarsanay farriimahaasi, waxaan hubaa waxay si habsami le Maryan u degtay qalbigayga. Intaan raggannimo iska baadh-baadhay oo aan sidii qof fayow u xisaabtamay ayaan damcay in aan si toos ah u waco. Markii u horreysay ee aan maqlay codkeeda, waxaa la igaga booday wadnaha. Waxa uu ahaa cod aad u debecsan oo naxariis iyo kalgacal ka buuxo. Codkeeda waxaa dhex jiifay raxmad aan hadal lagu soo koobi karin. Waxaanu wada hadlaynay daqiiqaddo yar gudahood. Intii aanay dhigin telefoonka, waxa ay I fartay oo si adag iigu sheegtay in aannan mar kale soo wacin ama la soo hadal. Waxaan u qaatay marka aragtideeda laga hadlo, in ay fiicantahay in aanu farriimaha aleenka uun is weydaarsano bes!.. Habeenkaa aan qaddarka daqiiqaddaha ah la hadlay kadib, sidii kumay joogsan farriimihii ee sidoodii is daba joogga ahayd ayay u soo dhacayeen. Codka aleenka ee sheega in fariini ku soo gaadhay kama maqlo oo keliya madaxayga, balse wadnahayga guntiisa ayaan ka maqlaa. Mudo dheeri markay ka soo wareegtay farriimaha aannu is waydaarsanaynay, ayaan maalin kale damcay in aan la hadlo, laakiin kama ay jawaabin telefoon-kaasi. Waxa keliya oo ay si toos ah u waday farriimihii ay ka soo dhex diraysay telefoonka iyo weliba halku dhigyo jacayl ah oo aad ii soo jiidanayay mar walba, kuwaas oo aan dhammaantood xiiso aan xiisaynayo awgood aan ku ururin jiray buug yar oo gaar ah. Ma waxaan ahay nin jacayl derderay oo aan rajo badan lahayn? Mooyi garan maayo, waxaanse ogahay in aan qofkan aannan garanayn aan jecelahay uun. Wax kale oo aan ogahay in dhammaan farriimaha ay ii soo qoraysaa ay yihiin qaar aad u layaab badan oo I gaadhsiiyay in aan naftayda iyo codka aleenka ee farriimuhu ay si toos ah u wada shaqeeyaan, waayo waxay ka yimaadaan qalbi waxayna gundhada ugu mid kale oo daray ah. “inkasta oo aannu kala durugsannahay oo kala fognahay, haddana waxaad mar walba ku jirtaa qalbigayga. Waxaan isku qabtaa indhahayga markaasaan ku arkaa adigoo ila jooga. Inkasta oo aanad weligaa I arag, haddana waan ku dhool-dhooliyaa, in ka badan inta aad qiyaasi kartid.” Bishii u dambaysay sannadii ina dhaaftay ayay farriintan ii soo dirtay. Maalintaasi laga bilaabo si joogto ah ayaanu farriimo isku dhaafsan jirnay muddo ka badan bil. Illaahay uun baa qiyaasi karaya sidii aan farxad buuxda ugu jiray wakhtigaasi. Way iga hagaagsanayd mar walba, inkasta oo aannaan is arag, haddana dareenka jacaylka qalbiyadayada ku gedaamanni muu ahayn mid u baahan in aannu is aragno, ee sidannaabu noogu badiyay, waxa aannu rumaysnay in aannaan weligayo kala fogaan doonnin oo midba midka kale qalbigiisa uu ku dhex ilaalin doono. Waxaan u diray farriin kale, “In jacaylkaygu noqdo sir, aan cidina ogayn maanta, wa wax igu adag anniga. Waxase layaab kale ah in adiguna aad sidaasi dareersantahay. Laakiin wax kasta oo ay tahay haddana, jacaylkaagu waa mid aan duugoobayn.” “Aad baan ugu farxayaa in aan kuu sheego macnaha aad ii leedahay, laakiin waxaan ka baqanayaa sidiisaba jacaylka…Waxaan kaa sugayaa waa in aad I sugto oo aad igu samirto, jacaylkana aanad ka daalin weligaa…” Sidan ayay haddana iigu soo jawaabtay. Weli waxaan la baxaa degayaa farriimaha is daba jooga ah ee aannu is dhaafsanayno, farriin waliba waxay beerkayga ka qotominaysaa waran af badan, eray walibana waxa uu wadnahayga ugu dhacayaa sida dhimbiisha dabka ah. Dabadeed waan u jawaabay markale. “ Illaahay baa qadaray sababta inagu kulmisay farriimaha telefoonka oo keliya inaga oo aan hore isku aqoon, laakiin haddii qaddarku noqdo in aan noolaado adiga la’aantaa, waxay ku tahay naftayda culays wayn oo aannan dib uga soo kaban karin, waxaannan quuddaraynayaa la kulankaaga goor walba”. Markasta oo aan la soo qaado goorta aannu si wada jir ah u kulmayno, waxay iigu jawaabtaa. “waxaynu u kulmi doonaa sida ugu dhakhsaha badan”Is arkid la’aantu waxba kama yarayso holoca uu jacaylku ku shidayo qalbiyada-yada, xataa dhibic mugeed oo hoos u dhac ahi kuma timaado heerka doonista ee midiba mid kayaga kale u waalan-yahay. Iskabadaa hoos u dhac oo waxaabu noogu sii kordhaa oo uu usii xoogaystaa si farawayn oo aan la qiyaasi karin. Waxaan hubaa sidaa si lamid ah in ay iyaduna u dareersantahay. Farriimihii jacaylku way iska socdeen iyagoo sii dhexmaraya xididdadayada oo u sii gudbaya wadnayaashayada iyo beerka guntiisa. Waxaa maskaxdayda ku jirta haddii sidan si lamid ah ay kuu dareemayso Maryan waxay soo dedejin-doontaa is araggiinii koowaad. Kaas oo aannaan isku arki doonnin wejiyada uun’e aannu qalbiyadana iska arki doonto. Maalmo yar ka hor Iidii Arafo. Ayay iga joojisay in ay wax farriin ah ii soo dirto. Waa markii u horreysay ee ay sidan oo kale ay waabaydii iiga joojisay. Waan qasmay, dhinacna waan xammili waayay. Naftaydii waxaa ka soo if-baxay jacaylkii ku gaaxsannaa intii ay igu socdeen farriimaha telefoonka gacantu. Waan wareeray, waxaan garan waayay waxa ku dhacay farriimihii xididdadayda waraabin jirtay. Waxaan isku deyey in aan waco, oo si toos ah ula hadlo, nasiibdarose iigama soo jawaabto. Wax farriin ahna iska daa hadalkeeda. Habeen ay saddex dharaarood ka hadhsan yihiin Iidii Arafo, ayaan maqlay codkii farriimaha ee telefoonkayga oo dhacaya, waxaan ugu booday sidii hooyo ilmaheedii halis ka badbaadinaysa, waxaannay fariintii noqotay mid ka socota gabadhii nolosha ila qaybsatay ee Maryan. “Mararka qaarkood waad macasalaamyn kartaa qof aad jeceshahay, adiga oo aan rabin haddana in aad macasalaamayso. Taasina macnoheedu maaha in uu dhammaaday jacaylkii. Waxaan ogahay Jamaloow, in macasalaamayntaasi ay xanuun badantahay, oo ay leebbab la dhacdo beerka, waana wadada ugu damqashada badan ee uu maro qof wax jecelli.” Waan ku dul il-meeyey telefoonkii, dhinacna waan u dhaqaaqi kari waayay. Ma garanayo waxa aan ka fekerayo. Waxaan is waydiiyay maxay uga jeedaa farriintan aad ka heshay kadib mudo aannay farriin kuu soo dirin kadib? Waxaaban u holladay in aan ka jawaabo, waxaanse raadiyey wixii aan ugu jawaabi lahaa. Wax aan ku jawaabo haba yaraatee waan waayay. Si aan ula hadlo oo neefsi iyo nafis ugu helo naftaydan cidhiidhi awgii inay dhimato ku dhow, ayaan telefoonkii si toos ah uga wacay. Basle iigama ay jawaabin telefoonkii. Waa markii ugu horeysay noloshayda, ee aan dareemo xaalad, waali iyo miyir qab u dhexaysa, rajo xumo iyo isku buuq dhexdabaalanaysa, madhan, qaawan oo muddug ka ah farxad iyo rayn-rayntii dhalinyaranimada. Ma garanayo waxaan yeelo, oo aan ku dhaqaaqo. Jacaylka waxaan ka bartay iyada, waxaanan doonayaa in aan iyada kula joogo weligay, oo ka ag dhowaado noloshayda oo dhan. Maalmihii dambe wax aan ahaa may jirin, waxbarasho iska daa hadalkeeda, sariirta kamaan dul kicin, cunto la’aantii iyo walbahaarkii waxay iga dhigeen mid aan koob biyo ah soo darsan karin. Waxaan ahaa sidii ay Maryan noloshaydii oo dhan qaadatay. Aad baan u doonayaa. Miyay doonista qof aanad garanayn aad ilaa heerkan doonsaysaa wax ka taraysaa rafaadkan nololeed ee aad gashay? Garan maayo. Waxaa qalbigayga iyo dhegahayguba aad ugu basaaseen codkii telefoon-kayga ee sheegga in aan farriin helay. Cid sidan aan ahay iyo sababta aan u ahay iga garawsan kartaa majirto. Dharrrrim, dharrrim, dharriim, dharrim,dhrm. Maalintii Iida lafteedii ayaan telefoonkaygii dhawaaqiisii maqlay. Waa iyadii!.“Waxaad iigu timaadaa dukaanka buuggaagta laga gato ee REDSEA ONLINE marka ay saacaddu tahay tobanka subaxnimo…Ciid wanaagsan”. Waxaan akhriyay anniga oo ku dhawaaqaya sida subcis kii quraanka oo kale. Waan ku noqday si aan u hubsado in farriitanni ay run tahay iyo in aan riyo maalmeed kujiro. Waxaan kor ula booday farxad cirka ka soo dhacday oo farriintan aan ku qaboobaay xambaarsanayd. Maan sii fadhiyin halkiiye, waxaan u degdegay in aan is diyaariyo, si aan ula kulmo qofkan naftaydii sidan ka dhigtay ee aannan weligay haddana arag. Waxaan isku deyey saacadaha yar ee ii hadhsan in aan dukaamada dharka laga gato tago, waxay ahayd weli aroor hore, balse waxaa igu wayn in aan horteed goobta balanta sii tago. Waxaa nasiib wanaag ah anigoo diyaar garow ah dhinacayga in aan sii tegay goobtii balanta labaatan daqiiqadood ka hor. Inkasta oo Iid ahayd oo cagtu badnayd haddana waxaan dhexmushaaxay buuggaagtii kala jaad-jaadka ahayd, annigoo mar ba buug korkiisa daalcanayay. Mid buuggaatii goobta taalay ka mid ah ayay laabtaydu jamatay in uu hadyadda aan Maryan ugu tallo galay uu ka mid noqondo. Buuggaasi oo magaciisu ahaa “Guri waa haween” oo uu qoray qoraaga wayn ee Maxamed Baashe X. Xasan. Markay albaabka ka soo gashay, waxaa qalbigayga sida korontada qabsaday quruxdeedii, maarriin casaan xiga, indho waawayn oo cad-cad, oo marka ay ku soo jaleecaan aad moodayso in ay kun kelmadood kugu leeyihiin; dibno qoran, san aad mooddo in la dul dhigay oo qotoma, iyo timo aad u madow. Dhankasta oo aan ka eegay waxaa u dhamaystirnaa inta lagu majiirto qurux haween iyo sifeheeda oodhan. “Ciid wanaagsan, Jamaal”, ayay codkii aan maalintii maqlay ee wadnahayga dhex roorray igu tidhi. Waa cod aan sugayay mudo dheer in aniga oo arkaya dibnaha uu ka soo baxayo aan maqlo. Waan is kala garan la’ahay. Intaan ka toosay shooggii i qabsaday “Fadlan soo fadhiiso” ayaan ku idhi. “Aad baan ugu faraxsanahay in aan kula kulmo maanta Maryan” ayaa iiga soo baxday si aannan garan-karayn. Markii aan ku soo dhoweeyay kursiga kadib waxaan u dhiibay hadyad aan ugu sii talo galay, oo buuggiina weheliyo. “Waad mahadsantahay Jamaal”, ayay beerka igaga muday iyada oo dhoola caddaynaysa. Waan dareemayaa in ay ku faraxsantahay hadyadda iyo kulankaba. Waxaan dareemay in ay garanayso qiimaha hadyaddan ubaxa ah iyo buugga isku lammaan. “Mar walba adigaa iga mudan”. Ayaan ugu hal celiyay.“Jamaaloow, waan tegayaa” ayay igu tidhi iyada oo codkeeda ay murugo faro badani ka muuqato, ilmo dhalatay xiisuhuna ay dhabannada ka soo daadegayso. “ Run ahaantii ma joogi karo, waanna in aan sii baxaa” “Lalallss…Laakiin waynu kulannay, Maryan. In yarna maynaan wada hadal?” Ayaan ku idhi anigoo naftaydu dhulka taallo, oo aad uga fajacsan waxa Maryan ku dhacay. “Ma karayo walaalo. Waxaan halkan u imid in aan ku arko oo aan kaaga mahad-celiyo wakhtiga fiican ee aad ila qaadatay. Waxaanan kaaga mahadcelinayaa waxkasta oo ina dhexmaray, Jamaal. Weligay ku illoobi maayo…waxaanad degantahay wadnahayga.” Waxaa si toos ah isugu dhacay indhahayagii , waanan dareemay murugada hadalkeedu cabirayo, waanan hubaa in codkeeda wax ka si yihiin oo aannu fiicnayn, waxaannan arkayay in indhahan jacaylka kelida la ah weli ee qurxoon ay wax si ka yihiin…oo aan farxaddii aan goobta ka rajaynaynay aanay ka wada muuqan.Way kacday, iyada oo igu sii sagootiyaysaa dhoola cadayn kalgacayl xambaarsan. “Berrito subax, waxaan kaa codsanayaa in aad isoo booqato,” ayay igu tidhi iyada oo iisoo fidisay waraaq aannan si fiican goor-taasi u eegin waxa ku qoran.Markii aan ku foorarsaday waraaqdii ee aan isku deyay in aan akhriyo, waabay baxdayba. Waxaa si fiican ugu cad-caddaa waraaqda tilmaanta guriga ay degantahay. Maalintii, maalintaasi iigu xigtay, waxaan kacay goor hore oo aroornimadii ah, anniga oo ku faraxsan ayaan u diyaariyay naftayda la kulankii Maryan iyo mar labaad. Waxaan u degdegay dhinaca dukaannada ubaxa lagu gado si aan ugu sii iibiyo ubaxa ay jeceshahay Maryan, ee basaliga ah. Waxay degganayd meel aan laga amban-karin. Markii aan soo gaadhay gurigii ay degganayd, waxaan ku soo baxay dad si teel teel ah u coog-coogsan, oo hadalkana hoos u wada dhigaya. Waxaa mar keliya is beddelay dareen kaygii oo dhan. Waxaa igu soo dhaqaaqay nin wayn oo oday ah, markaasuu igu yidhi intii aanay kelmaddi ka soo bixin afkayga, “sug aan kuugu yeedho masuulkii gurigee”. Waxaan u gundhiyay madaxayga anigoo mar keliya uu i saameeyay jawigii aan ugu imid meesha ee aamusnida iyo xanshashaqa ahaa. Waxaan sii eegay guriga uu sii gelayo. Waa guri qurux badan oo dhammaantii aad u wada iftiimaya. Waxaan is waydiinayaa waxa xaaladda guriga sidan ka dhigay guud ahaan. Waxaa soo baxday gabadh, waxayna si toos ah ugu soo dhaqaaqday xagayga. Waxaa I dubaaxinaya luga-hayga, anniga oo ka cabsi qaba waxa igaga soo bixi doona gabadhan aannan filayn ee xaggayga u soo socota. “Waa nabad wiil yahaw, Waxaan ahay Muxibo, Maryan hooyadeed. Jamaal soo soco”. Intaasi ayay isku kay raacisay markaas ayay dib u laabatay, anna waan daba galay. Intii aanu gudaha guriga ku sii soconnay waxay iiga sheekaysay sababta ay sidan buuxda iigu garanayso, “Maryan mar walba waxay nooga sheekayn jirtay asxaabteeda”. Aad umaan fahmin waxa ay uga jeedo hadalkan. Waxaanse ku mashquulsanahay sababta ay Maryan hooyadeed u ooyayso marka ay ila hadlayso. Cagahaygu dhulka si wacan uguma wada taagna, wayna jiitamayaan, naxdin, xishood iyo aqoonsi la’aanta iga haysata xaaladdan aan soo galay ayaa dhammaantood waxay si wayn u saameeyeen jidhkaygii iyo naftaydiiba. Waxaanu soo gaadhnay qol aad u ballaadhan oo guriga ku dhexyaallay, markeliya waxaa maskaxdayda ku soo booday jawiga guriga iyo waxa uu yahay, waxaan gartay in xaaladdu geeri u eegtahay, waxaa laga yaabaa in qof qaraabada ahi geeriyooday. “haa qof baa guriga ka baxay” sidaasaan hoos ugula faqayaa naftayda. Laakiin gunta wadnahaygu cabsi buu la gubanaya, dhammaan jidhkayguna wuu gargariirayaa, kumana uu qancin waxan aan iskula xanshashaqayo, ee aan uga dan leeyahay in aan cimri dherer uga dhigo naftaydan gubanaysa. Markii aannu si fiican u soo wada galnay qolkii waynaa, waxaan indhaha ku dhuftay dad badan oo aan midna mid la hadlayn, murugaysan, oo hoos u wada foorara. Waxaa i engegay carrabkii, garaacii wadnahayguna wuu sii kordhay, waxaa dhidid ka hoorayaa gacmahayga. “Maryan meeday?” ayaan sidii qof soo hambabaray u waydiiyay Maryan hooyadeed, Muxibo. Iyada oo aan kelmaddi afkeeda ka soo bixin ayay gacantayda qabatay, markaasay iila dhaqaaqday meel uu yaalay naxashka maydka lagu qaado oo maro ku deddantahay. Markii aan dul istaagay naxash-kii ayaan garawsaday qofka marada cad gir ilaa gir ku duuban tahay ee dhex jiifa naxash-ka. Ma jirto kelmado aan ku sharxo xaaladda aan galay markii aan garawsaday qofkan marada cad ku duubanni in uu yahay Maryan, waa gabadhii quruxda badnayd ee aan shalay uun arkay wejigeeda, balse qalbigaygu uu jeclaa muddada afarta bilood ku dhow. Maryan hooyadeed ayaa igu soo dhaqaaqday, markaasay igu tidhi: “ aad baan ugu faraxsanahay in aad ka soo gaadho geerida iyo maydkii oo aan weli la qaaddin. Maryan mar walba way kaa sheekayn jirtay, Xataa waxay naga codsatay markay sii dhimanaysay, in lagu xidhiidhiyo oo lagu soo dhoweeyo.” “waxaa ku dhacay wadne xanuun iyada oo yar, waxbana waa laga qaban kari waayay, maantana waataa la god gashay”, ayay Maryan hooyadeed ii raacisay hadalkeedii hore. “Waxay noo sheegtay in aan lagu dhibin oo aan lagu waydiin su’aalo ku saabsan xidhiidhkii telefoonka ee idin dhexmaray”. Maryan hooyadeed oo weli ooyeysa ayaa hadalkii sii wada. “waxaad ka mid tahay guriga, Maryan way tagtay adiguna hanaga tegin, ma lihin ubad kale waxaa noo ubad ah adiga oo keliya maanta, Haaa waa in aad noqoto inankaygii” ayay cod sii gudhaya oo oohintii ka xoog badatay, si dirqi ah igu soo gaadhsiisay. Xanuun iyo u qaadan waa ayaa I beddelay oo iga dhigay qof kale, oo aannan ahaynba. Waxaan isku duubay Maryan hooyadeed waxaannan ka dul ooyay garabkeeda midig. Waxaan u dhaqaaqay xaggii maydku yaallay, waan dul fadhiistay, markaasaan dhammaan xasuusta dib ugu celiyay erayadii iyo hadalladii aanu is dhaafsanay oo dhan, waa erayo iyo kelmado aanan inta noloshayda ka hadhsan illoobi doonin. “Weligay ku illoobi maayo” ayaan ugu ballan qaaday. “Waxaad iga dhigtay qof naxariisle, waxaad I bartay jacaylka, weligay ku illoobi maayo”. WQ: Mustafe Adan Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted May 11, 2009 War break it down to bite size chunks. Four thousand words oo af somali ya akhrisan kara? (I'm half way but I got tired). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted May 11, 2009 Too long and it is taxing to read somali wallahi. I literally gto tired after 3 lines. Someone who came from dhulki hooyo baa akhrisan kara That person shouldnt complain Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2009 NG & DD, that is the point, you try to read, you get tired, you force yourself to continue, you don't understand some , you continue, It is hard but keep reading ,,, it is all practice. At the end you will be better than those from dhulkii hooyo ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted May 11, 2009 ^^ War it's too much for one reading. I can only do one thousand words at any one time (in any language) before I start losing interest. Iga maqal and waxaaga kala qaybi next time. DD Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 11, 2009 JB, In aadan wada akhriyin baa kuna. Bal yaa ogaada tolow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2009 Inaan ka qoray ahayna maxaad ka og tahay ,,, hehehe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 11, 2009 In adi daaye xiitaa saxiibkaa oodweyne uuna qori karin ayaa kun kale ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2009 kumanaankaas uun ha isku badin yaanad hadhow bixin kari waayine ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 11, 2009 Adi maxaa ka kuna in Mustafe Adan Nur lagu dhaho,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2009 maxaad u malayn Quote Share this post Link to post Share on other sites
ADNAAN Posted May 11, 2009 Jaceylkii ba ka dhintey, oo tilifonkiisii ayey kala soo hadashey iyadoo aakhira joogta, markaa telephonki ayu ku qabtey ban umaleynayaa , He summarised it in the last paragraph, fariid faraxalan weeji. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 11, 2009 Kunka ka ciyaar ,,, mise shanta ayey kuugu baxdaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted May 12, 2009 Maxaa mobilkaaga xidhay By. Siciid Karea. Very nice song! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 12, 2009 where is the link ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites