Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska New Zealand Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Badan Iyo Nin Lagu Tuhunsanaa Weerarkii Masaajidada Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New Zealand)-Booliiska dalka New Zealand ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin la tuhunsanaa inuu xidhiidh la leeyahay weerarkii lagu qaaday masaajidada dalkaasi 15kii bishan March.

Nin-isdilay-NZ-1-740x416.jpg

Booliiska ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku galay guriga uu leeyahay nin la tuhunsan yahay halkaasi oo ay ka heleen hub aad u badan, hawlgalkan ayaa bilowday kadib markii hay’adaha amniga xog ka heleen shacabka.

Ninkan ayey booliiska ku qabteen saaka oo Arbaca ah isagoo wata gaadhigiisa duleedka magaalada Christchurch oo ah halkii uu ka dhacay weerarkii lagu qaaday laba masjid 15kii bishan oo lagu dilay 50 qof oo Muslim ah.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ninkan diiday inuu is dhiibo isla markaana isku dilay toorey u saarneyd gaariga, wuxuuna u dhintay dhaawaca uu gacantiisa isugu geystay.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan balaaran oo ay ku eegayaan in ninkan uu xidhiidh lalahaa weerarkii 15kii March.

Laamaha amniga ee dalka New Zealand ayaa sare u qaaday heeganka ay ku jiraan isla markaana bilaabay inay baadhitaano ku sameeyaan kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi ku sugan ee cunsuriyiinta ah, waxaana horey loogu eedeeyey sirdoonka dalkaasi inay ku mashquuleen oo kaliya kooxaha xagjirka ah ee muslimiinta taasna u fududeysay cunsuriyiinta dalkaasi inay geystaan weerarkii lagu qaaday muslimiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this