Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Bari Ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sool)-Saacadihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid gobollada bari ee Somaliland ay da’een roobabkii xilliga Gu’ga wakhti xaalad abaareed iyo biyo la’aan xooggani haysay goboladaasi.

2019327636892469504734439guaga.jpg

Deegaamada ay roobabku ka curteen waxa ka mid ah deegaamo ku yaalla Gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Biyo la’aanta ugu darani ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaanay roobabkaasi ahaayeen kuwo lagu qabawsaday oo biyo dhig fiican kaga tagay dhulkii uu ku hooray.

Dhinaca dalkaasi Soomaaliya waxa iyana roobabka Gu’ga laga soo sheegayaa in ay ka da’een sida Gobolada Baay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku dhaqan deegaannadan.

Hore waxa Toddobaadkii hore ay roobab koobani uga da’een deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley ee Somaliland.

Roobabkan oo bilow ah si weynna dadku sugayeen ayaa ku soo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this