Deeq A. Posted March 27, 2019 Dhoobley (SMN) – Saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa gaaray degmada Dhoobley gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Xubnahan gaaray Dhoobleey oo ka kooban illaa 9 sarkaal oo Boooliis ah ayaa maamulka Jubbaland kala shaqeyn doona dhinaca tababarka ciidamada,baarista xad gudubka ka dhanka ah aadanaha. Rex Dundun oo hoggaaminayay saraakiishaasi ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay,sidii ay dhinaca tababarada uga caawin lahaayeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland. Si kastaba ha’ahaatee saraakiishani ayaa joogi doona halkaasi ku dhawaad sanad,waxaana muddadaasi ay howlo kala duwan ka qaban doonaan gobolka Jubada Hoose. Ugu damgbeyn Haybe Axmed Cabdullahi oo ah taliyaha Booliska degmada Dhoobleey ayaa ugu baaqay Ciidanka Jubbaland in ay ka faa’ideystaan xirfadaha iyo qibradda saraakiisha ka socota AMISOM ee gaaray halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites