Deeq A. Posted March 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS,si ay u dardargeliyaan howlaha horyaala. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa lafilayaa in uu u furo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka,kadib markii ay ka soo laabteen xildhibaanadu fasax ay ku jiree, kaasi oo dhamaaday. Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda furitaanka ayaa haartan ka socota xarunta dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Golaha Shacabk Ibraahim Guudle Isxaaq oo goobtaasi ku sugan. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey,waxaana ammaanka siweyn u sugaya ciidamada nabadgelyada. Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala ajandayaal dhowr ah,kuwaasi oo muhiim u ah dalka,waxaana la filayaa in ay dardargeliyaan meel marinta shuruucda hortaala. View the full article Share this post Link to post Share on other sites