Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhabancad oo sheegay in sannadkan degmooyin ka tirsan Puntland laga qaban doono doorasho qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saaka ku dhawaaqay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019.

Wasiirka ayaa sheegay in saddex degmo si tijaabo ah looga  qaban doono doorashada golayaasha degaanka oo loogu  tartami doono  habka qof iyo cod balse ma uusan magacaabin degmooyinka qorshaysan.

Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan-bulsho oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Dhabancad oo sheegay in sannadkan degmooyin ka tirsan Puntland laga qaban doono doorasho qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this