Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen: Arrinta Farmaajo uu sameeyey waa waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa ah hadalkii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay khudbadii uu ka jeediyey dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa iska fogeeyey guul-darradiisa amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray  ama madax furasho ka dhigtay guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood.

“Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo” ayuu yiri Farmaajo.

Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Agaasimaha xarunta Hiraal, Xuseen Sheekh Macallin Maxamuud oo wareysii siiyey Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Xuseen ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay inay tahay Mas’uuliyad ka carar ama waxa uu ugu yeeray ‘waa lagu kaarto baxay”.

“ Arrinta uu madaxweyne Farmaajo sameeyey waa mas’uuliyad ka carar ama waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay” ayuu yiri.

Wuxuu intaas sii raaciyey  “ciidanku arrintaas ma qabato, In Shabaab laga adkaado ma aha wax u gaar ah ciidanka xoogga dalka, ee waa mid u taalo xukuumad, goleyaal iyo inay raali isaga yihiin dadka ay khuseyso. Waxaa la gudbooneyn isaga oo aan cidna eedin ama ku riixin inuu sheego gaabiska jira, mas’uuliyadda guul-darrada amniguna uu qaado, kadibna uu xal raadiyo”

Sida ku qoran qodobka 90aad ee dastuurka KMG ah, Madaxweynaha waa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, waana wax aan la fahmi karin sida hadda uu isaga fogeynayo balantii uu ka baxay ee aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax weerar ah ku qaadin Fariisimaha Ciidamada Al-Shabaab labadii sano ee dalka maamuleyso marka laga reebo duqeymo ay Dowladda Mareykanka ka fulisay dhawr goob oo saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this