Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 7 Qof Oo Ku Dhintay Duqeyn Loo Geystay Cisbitaal Ku Yaalla Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Ugu yaraan 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday cisbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.

24C24B8E-2CAD-46A5-876D-9B97E6855667_w10

Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay cisbitaalka Kita see magaalada Sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo howlwadeennada cisbitaalka.

Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka caalamiga ah.

Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this