Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Muuse Biixi oo Xabsiga ka sii daysay Sarkaal sirdoon oo Muddo u xidhnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe ee Hargeysa  kasii daysay  Mr. Yaasir Saleebaan oo muddo saddex tobodaad ah u xidhnaa eedo la xidhiidha  inuu ku kacay khiyaamo qaran,  kaddib markii lagu eedeeyey inuu siraha amniga ee xasaasiga ah u gudbin jiray xukuumada soomaaliya ee Farmaajo.

Yaasir ayaa isagoo gacmaha ka katiinadaysan oo askar hubaysani wadaan dhowr goor la hor  keenay maxkamadda degmada Hargeysa oo kiiskiisa oo xukuumadu dhibane ka ahayd dhageysatay.
Yaasir Saleban oo ahaa lataliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee dhanka amniga iyo xidhiidhiyaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo  Hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ee la shaqeeya Somaliland
(Internal Security Coordinator & Senior Adviser to Minister) ayaa imika xoriyadiisii dib u helay kaddib markii  sida la sheegay xukuumaddu culays badan kala kulantay jifada uu kasoo jeedo ee Aadan Madoobe/East Burco Clan oo uu sidoo kale kasoo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo.
Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Yaasir  wuxu Horjooge iyo Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Muqdisho ee Farmaajo iyo Kheyre.
Waxa wax lala yaabo noqotay sida dhibta yar  ee xukuumaddu xoriyadiisa ugu celisay qof ku eedaysnaa khiyaamo qaran iyo bixinta siraha amniga qaranka iyadoo xabsiyada ay buux dhaafiyeen dad ku eedaysan dambiyo aad u fudud oo qaarkood xukuumaddu dambi uga dhigtay  inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka ah.  Hase ahaatee Yaasir lagu saamaxay maadaama beeshiisu xulafo siyaasi ah la tahay beesha madaxweyne Muuse Biixi.
iskusoo wada duuboo arrintani waxay marag u tahay cadaalad darrada xukuumadda Muuse Biixi ku kala qaybisay bulshada reer Somaliland iyadoo aan loo sinayn sharciga gaar ahaan beelaha taageera xisbiyada mucaaridka ah oo lagula kaco xadhig iyo tacadiyo  baalmarsan sharciga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this