Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu safarka Sabriye ka beddeli karaa siyaasada cakiran ee GALMUDUG?

Recommended Posts

Deeq A.   

Halka maamullada dalka ka jira ay u muuqan karaan kuwa wajahaya cadaadis dibadda oo kaga imaanaya dowladda dhexe, haddana dhammaan maamul-goboleed kastaa ma ahan mid leh hal furan siyaasadeed oo uu dhufeyska uga jiro.

Galmudug ilaa iyo hadda waa maamulka kaliya ee dowlad-goboleedyada dalka ka jira aan la wadaagi Karin wax walba. Waxay gaarkeeda u wajahaysa mushkiladda gudaheeda ka taagan taas oo maamulka u kala qeybisay laba garab oo mid kastaahi uu gaarkiisa isku boqrayo.

Dowladda dhexe waxaa taniyo muddaba lagu eegayaa il tuhun oo la xiriirta inaysan daacad ka aheyn isku keenista dhinacyada isku haya Galmudug taas oo liifadda usii gaabisay jiritaanka heykalnimada dowladeed ee maamulkaas.

Hadda dowladdu waxay ergo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha u dirtay Dhuusamareeb si uu ula kulmo garabka ugu sharciyadda dhow jiritaannmada Galmudug. Balse su’aalo ayaa laga keenayaa sababta safarkiisa?

Qaar badan ayaa rumeysan in dowladdu hadda ay fiirada ugu danbeysay u yeelatay wax-ka-qabashada Galmudug oo muddo badanba aanay siineyn deymadii looga baahnaa. Waxaana jiray sababo xoojin karo in dowladdu aysan si fiican ula jaanqaadin siyaasadda sida gadowga iskugu maran ee Galmudug ka taagan.

Ol’olayaashii doorashooyinka ee ka qabsoomay maamul-goboleedyada kale iyo ajendayaal kale oo dowladda culeys ku saarayay inay halhaleel kaga jawaabto ayaa labadan dhinac u suura-gelin inay mar wada fadhiistaan.

Xittaa booqashada Sabriye ayaa imaanaysa xilli laba garab ay isku khilaafeen xilliga ay dhacayso doorashada soo aadan ee Galmudug. Dowladda ayaa sheegtay in doorashada aan laga dib dhigi doonin waqtigii ay ahayd inay ku qabsoonto. Waana sabab kale oo hadda muujinaysa in dhinacyadu aysan kaliya iskugu imaaneynin is-maandhaafkii hore ee soo kala dhex galay, balse ay jirayso qaddiyad kale oo u baahnaan doonta in waqti badan la geliyo sidii la iskaga mid noqon lahaa xaggeeda.

Muranka daba-dheeraaday ee Galmudug gudaheeda iyo dowladda kala dhaxeeya, wuxuu xaqiiqdii sida muuqata aad ula degay geeddi-socodka howlaha maamulka kaas oo dhinac walba oo laamaha dowlad-goboleedka ka dhigay mid hakad ku jira.

Farriinta uu Sabriye ka sido madaxda dowladda dhexe laftigeeda ayaan laga fileyn mid ku dhisnaan karta u tanaasulidda masiirka Galmudug kaas oo taniyo markii uu MD Xaaf xilka ku fariistay ay la degtay khilaafaadka gudaha.

Haddii dowladdu ay aqbasho in Galmudug lagu sii wado sida ay hadda ku dhisan tahay, lagana war sugo gaarista waqti cayiman oo la isla og yahay in lagu qabto doorashada, saadaasha muuqata waxay rajo fiican u aburaysaa dadyowga Galmudug kuwaas oo dowladda u arka inaysan daacad ka aheyn danaha bulshada ku midaysan maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this