Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo Muqdisho ku sugan (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ku sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo.

Siyaasiyiinta Xamar ka degay ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diire oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland.

Xogt aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiinta ay Xamar uga dageen inay usoo sahmiyaan Kulmiye iyo Xukuumada Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda waxa ay sahminayaan.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba, weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye kaga baxeen, mana jirto meel kulmiye ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintas.

Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this