Sign in to follow this  
Deeq A.

Faarax Maxille oo ka dacwoonaya haweeney dhul ku haysata

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntland Post ayaa maalmo ka hor daabacday, warbixin muuqaal wadata oo haweeney lagu magacaabo, Xaawo Cabdullaahi Ciise ay kaga cabanaysay, xukun ay ridday maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal.

Xukunka ayaa  ku saabsanaa kiis la xiriira lahaansho-dhul oo haweeneydan kala dhexeeya qof  aysan markii magacaabin, waxayse sheegtay in dhul ay leedahay maxkamaddu u xukuntay qofkaasi , halka iyadana markay dacwootay xabsiga loo taxaabay sida ay hadalka u dhigtay. (Halkaan ka daawo)

Haweeneydan ayaa eedayn kulul u jeedisay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, waxaana ay ku eedaysay caddaalad-darro iyo in ay hantideedii qof kale u xukuntay, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaymahaasi.

Haddaba Faarax Maxille Jaamac oo galabta warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa isna ka dacwooday haweeneydaasi oo uu sheegay, in ay ku haysato dhul uu leeyahay, waxaana uu soo bandhigay waraaqo caddaymo ah oo muujinaya  lahaanshaha dhulkaasi.

Faarax ayaa soo bandhigay dukumintiyo lahaansha-dhul  oo muujinaya mulkiyaddiisa iyo waraaqo xilliya kala duwan ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, guddiga xallinta khilaafaadka dhulka ee Garoowe, maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, maxkamadda rafcaanka iyo maxkamadda sare ee Puntland, kuwaasoo dhammaantood  isaga u saxiixay dhulka.

Sidoo kale wuxuu tix-raacay qoraal uu sheegay, in haweeneyda lafteedu saxiixday, kaasoo ay ku caddaynayso in aysan mar dambe dhulkiisa ku qabsan doonin.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Faarax Maxille oo ka dacwoonaya haweeney dhul ku haysata appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this