Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo taageertay dib u habeynta ciidanka DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War murtiyeed kasoo baxay Qaramada Midoobay Midowga Africa, Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Mareykanka ayey si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen qorshaha ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dib u habeynta ugu sameynayo ciidanka xooga dalka, si looga dhabeeyo qorshaha dowladda ee horumarka amaanka.

Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhiiro-galinayaan sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay horumar laga gaaro dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna balan qaadeen in ay kordhin doonaan taageerada kala duwan ay siiyaan Soomaaliya.

War murtiyeedka ayey ku sheegeen sidoo kale xaaladda Soomaaliya ay kala hadli doonaan ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo bangiga aduunka shir qabsoomi doona bisha April ee soo aadan,si Soomaaliya looga cafiyo qeyb kamid ah deymaha lagu leeyahay.

“Waxaan rajeeneynaa in go’aano dhaxal gal ah aan ka gaarno sida aan u kordhin laheyn taageerada howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo guud ahaan amaanka dalka dhawaan ku wareeji doona ciidanka dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka ka soo baxa dhinacyadan taageera Soomaaliya.

Ugu danbeyn, war murtiyeedka ayaa lagu xusay in dhamaan taageeradaasi ay umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka u horseedi doonto xasilooni iyo barwaaqo, waxayna deeq bixiyayaasha caalamka ugu baaqeen in ay garab istaagaan dedaadalada ay wado dowladda Soomaaliya, si looga dhabeeyo qorshayaasha horumarinta qaranka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this