Deeq A. Posted March 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Kulan lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dastuurka ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaaliya Xamuud bin Samraan, Siihayaha wasiirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , Shaqaalahaiyo La-taliyeyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale. Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soomaaliya Xaamud Bin- Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn usoo gudbiyey wasaaradda salaan uu ka siday xoghayaha jaamacadda carabta Ahmed Abu- Gayd, kadib waxa uu sharraxaad guud ka bixiyay muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka KMG ee soomaaliya, isagoo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada Jaamacadda Carabta, Safiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay Jaamacadda Carabta garab istaagga iyo taagerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo tarjumo luuqadda carabiga, maadaama dastuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda carabiga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaaliya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo badan oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siinayso si ay u fahmaan dastuurka. “Waa markii ugu horraysay ee dastuurka Soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixdankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi. “Marka dib-u-eegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sameeyo, laakiin haddda tarjumaadda waxaa lagu sameeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dib-u-eegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u bedelno carabi qodobada dib loo eegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr, Xuseen Cabdi Celmi. Gabagabadii, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dib-u-eegista dastuurka ay marayso meel gabagabo ah islamarkaana dhowaan la bilaabi doono ololaha latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites