Deeq A. Posted March 26, 2019 Roobabkii gu’ga ayaa galabta ka curtay, degaanno hoosyimaada gobolada Sool, Cayn iyo Nugaal oo dhammaantood ka tirsan dhulka dowladda Puntland. Gobolka Cayn: degaannada uu roobku maasheeyay(buuxiyay) waxaa kamid ah; magaalada Buuhoodle iyo tuulooyin hoosyimada oo ay ku jiraan Dhilaalo iyo Qurac-dhallaan halkaasoo ay dadka deggan soo sheegayaan in hogol mahiiggaan ah xareedda wartay. Gobolka Sool: Xoola-dhaqato ku sugan nawaaxiga tuulada Qoriley, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in roob teel-teel ah uu ka da’ay toolooyinka Qoriley iyo Kalabaydh, balse dhulka miyiga ah ee u dhexeeya meelaha qaar aysan roobsan. Gobolka Nugaal: Ilaa iyo hadda waxa la soo sheegay in roob aan sidaas u badneyni oo ka da’ay tuulada Jalam iyo dhulka miyiga ah ee u ogog leh(ku dhow), sida balliyada Gowracane iyo Sangurmo oo daruur yar ku hoortay. Wixii ka soo kordha roobabka kala soco Puntland Post The post Roobabkii gu’ga oo ka curtay degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites