Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalo la sheegay in laga mucaaradsanyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe.

Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu Garoowe uga baxo tan iyo markii la doortay ayaa soo dhoweyntiisa caawo laga dareemaya gudaha degmada Qardho iyadoo sawirkiisa iyo calanka Puntland laga taagay qarar kamid ah waddooyinka Qardho.

Maadxweynaha oo u kuur-gelaya xaaladda gobolada Karkaar iyo Bari ayaa  ku sii hakan doona degmooyin badan oo ka tirsan labadaasi gobol isagoo ugu dambeyn sida qorshuhu yahay tegi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa hore u sheegay in xukuumadda cusub laga mucaaradsanyahay magaalada Qardho inkastoo uusan cidna magacaabin.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalo la sheegay in laga mucaaradsanyahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this