Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iska wareejiyey mas’uuliyadda fashilka ku yimid labadii sano ee uu u qabsaday Shabaab + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeer ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darrada fulinta ballan-qaadkiisa ahaa inuu laba sano dalka uga xoreynayo Al-Shabaab.

Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo”.

Madaxweynaha ayaa sii faah-faahiyey waxa ay ku wada hadleen “Waxaa tiraahdeen ciidankan waa duruufeysan yahay muddo dheer mushaar ma qaadan, dhibaatooyin badan buu qabaa, maxaa ku iraahdaa rasaas la’aan  iyo hub la’aan ayaa jirta haddii intaas la xaliyo, oo duruufaheenna, waajibaadkeenna waa gudaneynaa.”

Isaga oo intaas raaciyey “Halkan waxaan idiin kugu imid in aan is wareysanno, oo is xog wareysanno’, annaga wixii aad noo dirteen oo ahaa duruufihiinna in aan meel saarno oo ay kow ka aheyd mushaaraadka, raashiinka oo taxane ah, oo aanan aheyn sida aan taqaaneen wax talan-taalli ah ama bil dhaaf aanan aheyn, oo aad noqotaan saraakiil suga ama ciidan suga mushaarkooda, xuquuqdooda, waqtigii loogu talo-galayna ay qaataan, waajibaadkaas ayaad na saarteen, oo waxaa tiraahdeen, innagana waan ka soo baxeynaa in aan cadawga ummada Soomaaliyeed ka dulqaadno, intaas ma xusuusataan? (Ciidamada “Haaa”),

Farmaajo waxaa uu soo qaatay sheeko dhex martay isaga iyo saraakiisha 2011-kii “Weliba saraakiishii markaas joogtay waxaan u sheegay, waxaan la wadaagay khibradeyda 7 sano ka hor markii aan ra’isul wasaare noqday, oo Shabaabka madaxtooyada hoosteeda iyo baar bulsho ay joogeen in duruufahaan aad sheegteen oo ay qabeen, oo markaas taliyeyaashii aan u yeeray iyo AMISOM, oo weliba ay sheegeen, in aad sheegteen oo ah in haddii duruufahaas la xalliyo in muddo 3 bilood ah ay Xamar kaga saaraayaan Al-Shabaab, ilaahayey waa noo fududeeyeen waxaan xaqiijiyey bil walbo iyada oo aan horay loo arag in ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha xuquuqdooda helaan bil walba, waqtogooda ay helaan iyo raashinkooda iyagana waajibaadkooda waa guteen, waana ka adkaadeen Shabaab, magaalada Muqdishana waa ka xureeyeen”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadda, markii aan balanta kala qaadaneynay waxaan idiinku iri, labo sano armey idiinki yar tahay? Waxaa igu tiraahdeen dareeska qaado iclaami dagaal, 2 sano dalka waan ku xureyneynaa, haddii aad ka soo baxdo waajibaadkaada, maanta waxaan halkan la taaganahay marka, labadii sano marka laga reebo 3dii bilood oo howlo kale ay bilowdeen si joogta ah ma heleyseen raashinkiinna iyo mushaaraadkiina? Ciidanka: Haa.”.

Isaga oo su’aalo weydiinaya waxaa uu yiri “Ciidamada qalabka sida oo aad taliyeyaasha u tihiin bil walba ma u helayeen? Ciidanka: Haa. “Haddee ogaada, wax horay loo arkey ma aheyn, waana waxa aad iga fileyseen aniga..laakin waxaan ku guuleysannay balantii dhankeenna in aan fulinno, aan idiin weydiiyo marka; Labadii sano adinka Shabaab maka xureyseen dalka?! Ciidanka: Aamusnaan! Farmaajo: Maka Xureyseen?! Ciidanka: Maya. Farmaajo: Marka ma la oran karaa taliyeyaashii waagaas joogay(2011-kii ula jeedaa” ayaa idiinka balan fiicnaa, oo wagaas Xamar ka xureeyey, oo igu yiri, 3 bil ayaan ku xureyneynaa, ma idiinka balan fiicnaayeen? Ciidanka: Haa.

Hoos ka daawo madaxweynaha oo hadlaya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this