Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo go’aan cusub kasoo saartay Golan Heights oo Trump u aqoonsaday Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadleyso  tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay  Israa’iil .

War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya ku taagan tahay go’aankeedii ahaa in dhulka Golan Heights uu yahay mid ay leedahay Siiriya isla markaasna ay Israa’iil ku qaadatay si aan sharci aheyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkesatay inay lagama- maarmaan tahay in loo hoggaansamo go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu ahaa 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981 laguna diiday inuu dhulkaas noqdo dhul ay Israa’iil leedahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u aqoonsan doonto go’aan kasta oo Israa’iil lagu siinayo dhulkaas inuu yahay mid Sharci darro ah iyadoo loo hoggaansamayo heshiiskii Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka dhulkaas loogu aqoonsanayo mid ay Israa’iil leedahay uu keeni doono xasilooni darro  ka dhalatao Bariga Dhexe iyo dhammaan Gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Beesha Caalamka ugu baaqday in loo midoobo sidii loo ilaalin lahaa go’aanadii sharciga ahaa ee diidayo in si xoog ah lagu qabsado dhul ay dowlad leedahay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Soomaali ah 

War saxaafadeed (faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
26 Maarso , 2019

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Carabi ah 

55949854_555374931618880_776369539521288

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this