Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa kasoo baxay kulamadii wasiirka Arrimaha Gudaha iyo madaxda Gal-Mudug?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka ah ay ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen madaxda maamulka Gal-Mudug, odayaasha dhaqanka ,culimada iyo ururada haweenka ee Gal-Mudug.

Safarka wasiir Sabriye oo ay ku wehlinayeen xubno wasaaradiisa ka tirsan ayaa ujeedkiisu yahay in la xaliyo tabashada madaxda Gal-Mudug, in la dhameeyo khilaafaadka jira iyo in go’aan la gaaro qabsoomida doorashada  maamulka Gal-Mudug ee bartamaha sanadkaan.

Wasiirka ayaa markii uu Dhuusamareeb tagay durba bilaabay kulamo, waxaana uu ka bilaabay golaha wasiirada ee maamulka Gal-Mudug, kuwaas oo uu ka dhageystay waxyaabaha ay ka tabanayaan Dowladda dhexe, arrimo la xiriira shaqada maamulka iyo arrimaha horyaala oo ay doorashadu ugu horeyso.

Sabriye ayaa kadib kulan wadajir ah iyo mid gaar ah la qaatay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir kuwaas oo diirada lagu saaray sida loo xalin karo muranka Gal-Mudug iyo Dowlada dhexe, iyo sidii doorashada Gal-Mudug loogu qaban lahaa xiligeeda.

Wasiirka ayaa lagu soo waramaya inuu kulankii ugu saacadaha dheeraa galabta la qaatay hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud, kaas oo loo arko nin awood badan kuleh maamulka deegaanka, sidoo kale caawa ayaa la filaya inuu Sabriye la kulmo Sheekh Al Ashcari oo isna ka mid ah hogaanka Ahlu Sunna.

Sida aan xogta ku helnay, madaxda Gal-Mudug iyo dhamaan xubnihii uu la kulmay wasiirka arrimaha gudaha ayaa aqbalay in wax walba wada hadal lagu xaliyo, in loo tanaasulo danta Gal-Mudug iyo in la xoojiyo dooda doorashada. Sidoo kale wasiir Sabriye ayaa madaxda Gal-Mudug iyo xubnihii uu la kulmay la wadaagay in Dowlad Federaalka ah ay usoo jeesatay xalinta tabashada Gal-Mudug si maamulku u shaqeeyo.

Waxaa la filaya in ugu dambeyn labada dhinac ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan kulamadii ay yeesheen iyo wixii la isku afgartay.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha ayaa la filaya iney labo cisho qaadato.

5s.jpeg 4s.jpeg 3s.jpeg 1s.jpeg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this