Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo caddeeyey mowqifkiisa dhulka Golan Heights ee Mareykanka u aqoonsaday Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa qaadatay go’aankii ugu adkaa oo ay kaga hor imaaneyso Dowladda Mareykanka tan iyo markii uu Madaxweyne dalkaas ka noqday Donald Trump.

Dowladda Sacuudiga ayaa go’aan xasaasi ah kasoo saartay tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay  Israa’iil .

Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aankaas ku tilmaamtay inuu yahay mid xad gudub ku ah xeerarka ay ku heshiiyeen Caalamka.

Wakaaladda Wararka ee Dalka Sacuuciga ee loo yaqaan SPA ayaa soo daabacday war saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Sacuudiga oo lagu yiri  “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel”.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhulkaas ku sheegtay inuu yahay mid Carbeed oo ay leedahay Siiriya isla markaasna xoog lagu heysto marka la raaco go’aanadii arrintaan ku saabsaneyd ee horey loo gaaray.

Boqortooyada ayaa si cad u sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid aan waxba soo kordhineyn isla markaasna uu dhulkaas waligiis ahaan doono mid Carbeed oo aan xoog lagu sii heysan doonin.

Sacuudiga ayaa go’aankii Trump ku sheegtay inuu yahay mid khilaafsan heshiiskii Qaramada Midoobay  iyo go’aanadii Caalamiga ahaa oo ay kamid tahay go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu yahay 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981.

Dowladda Sacuudiga ayaa go’aankaas ku sheegtay inuu  saameyn ku yeelan doono hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeyntii Sacuudiga ayaa dhinacyada dhan ugu baaqday inay ixtiraamaan Sharciga iyo go’aanadii ay dunida horey u gaartay.

Adduunyada dhan ayaa ka war sugeysay go’aanka kasoo bixi doono Sacuudiga, maadaama sanadihii dambe looga bartay inay garab istaagto go’aanada uu soo saaro Madaxweynaha Mareykanka.

Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria.

Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this