Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Ma Wuxuu Dhalliilay Raysal Wasaare Khayre??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo eedda sababta looga adkaan waayay Alshabaab dusha u saaray ciidanka, sidoo kalena ay u muuqato in uu ra’isal wasaaraha dhalliilsan yahay. waxa uu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo hore guul darrooyinkiisa dhinacyo badan ugu eedeeyay.

shak.png


Qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:-

Markii aan dhageystay khudbadii uu madaxweynuhu ciidanka kula hadlay; waxaan soo xusuustay wadaad mu’addin Masjid ahaa oo salaaddii subax ka soo daahay, ayaa dadkii oo salaaddii soo tukaday ka horyimideen. Waxay ku yiraahdeen Sheekhow saakay huradadii waa kula tagtay. Wadaadkii oo hadalkaa ka dhiidhinaya ayaa yiri “hurdo ilama aysan tegin ee waaga ayaa xilligiisii ka hor baryey. Wadaadku si uu masuuliyada kaga cararo wuxuu eedda dusha ka saaray koonka iyo dabeecadda Ilaaheey abuuray ee aan marna is beddalin.
Madaxweynaha cid uusan horay u eedaynin malaha, mucaarad, dowlad gobolleed, warbaahin, dowlado ajnabi ah. Maantana ciidankii ayuu eeday. Waxaan iyana meesha ka marneyn eed dadban, maadama uu guulihii uu keenay xilligii uu Raysalwasaaraha ahaa ka sheekeeyey, sida in uu leeyahay, haddii aan Raysalwasaare ahaan lahaa wax badan ayaan qaban lahaa.

Madaxweynaha waxa u harsan oo keli ah in uu koonka iyo dabeecadda eedeyo, sida wadaadkii mu’addinka ahaa oo kale.

Hoggaamiyayaashu waa labo. Kuwo jecel in ay guusha ammaanteeda qaataan, wixii guul daro ahna dadka kale dusha ka saaraan iyo kuwo wanaaggana cidii keensata u tiiriya, fashilka iyo guuldaradana masuuliyadeeda qaata.

Sababtoo ah hoggaamiye dal waxay qiimayntiisa dhabta ah imaanaysaa marka uu xilka ka dego. Ma jirto cid xusuusanaysa dadkii maamulkiisa ka tirsanaa, wanaag iyo xumaan, guul iyo guuldarro, wixii maamulkiisu keenay isaga ayaa leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this