Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo Mashaariic Ka Fulisay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN)- Ha’yadda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca muhaajiriinta ee IOM ayaa maamulka magaalada Kismaayo ku wareejiyay xarun wax lagu barto,ceel biyood iyo meel ay ku shiraan dadka deegaanka.

Mashaariicdan horumarined oo ay hirgalisay ha’yadda IOM ayaa waxaa dhaqaale badan ku taageeray ururka midowga yurub iyo dowladda Japan.

Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarumahaasi waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha,iyo madaxda magaalada Kismaayo oo bogaadiyaya mashaariicda ha’yadda IOM.

Iskuulka xariga laga jaray ayaa lagu magacabaa Tayo,waxaana horay uu dhimsihiisa uga koobnaa laba qol,laakiin ha’yadda IOM ayaa balaarisay iskuulkaasi,si ay boqolaal arday ah uga faaideystaan

Ugu danbeyn Ha’yadda IOM ayaa inta badan mashaariic horumarineed ka sameysa deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana maanta ay daah fureen xarumo muhiim u ah maamulka degmada Kismaayo.

Dhageyso codka:-

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Mutawakil-Hay-Adda-I-OM.mp3

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this