Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Iyo Midowga Yurub Oo Iska Kaashanaya Ka Hortaga Tahriibka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah ay ka qaadeen dhalinyarada ka Tahriibta qaar ka mid ah dalalka ku yaala geeska Afrika.

IOM ayaa sheegtay in sannadkii tagay in ka badan 2,500 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ka caawisay in ay dalkooda dib ugu soo celiso, iyadoo qaar ka mid Muhaajiriintaasi loo sameeyay barnaamijyo wacyo gelin ah.

Qaar ka mid ah Muhaajiriinta dib loo soo celiyey ayaa helay adeegyo caafimaad oo lagu sameeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

QM iyo Midowga Yurub ayaa hoosta xariiqay in fursado ay u abuureen qaar ka mid ah dhalinyarada u Tahriibta dalalka ku yaalla qaaradda Yurub oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Inta badan Muhaajiriinta geeska Afrika ayaa ka soo jeeda dalalka Itoobiya,Sudan,Soomaaliya iyo Jabuuti oo la sheego in qaar badan oo ka mid ay waxyeelo ka soo gaarto safarka halista ah ee dhinaca badda.

Ugu dambeyn Julia Hartlieb oo ka tirsan saraakiisha hay,adda Muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in u jeedka loo sameeyay barnaamijkaasi uu yahay badbaadinta nolosha dhalinyaro badan oo ka soo jeeda dalalka geeska Afrika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this