Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo la beddelay

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawir-hore.jpg?w=1000&ssl=1Imtixaanka shahaadiga Puntland 2018 Garoowe

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa mar kale shaacisay in la beddelay, jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in mar kale la beddelay, jadwalkii imtixaanka shahaadiga ah, kadib markii  cabashooyin la xiriira heer-kulka bisha May  ay  ka yimaadeen qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada Puntland ee ku yaalla gacanka Cadmeed.

“Ka dib markii cabsho ugu timi madaxda dugsiyada ku yaal gacanka cadmeed ee puntland, cabshadaas oo ku saabsanayd heerkulka bisha Maay, Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,waxay garowsadeen xaalada heerkul ee magaalooyinka ku yaal gacanka cadmeed kulan ayeesheen ka dib, waxay soo saareen go’aan ku saabsan xilliga la qaadaayo imtixaanka caamka ah ee Puntland” ayaa qoraalka lagu yiri.

Jadwalka imtixaanka Shahaadiga ah, oo wasaaraddu hore u shaacisay in uu bilaabanayo 25 May uuna ku egyahay 30 May, ayaa hadda loo qorsheeyay in uu bilowdo 18 May, islamarkaana uu dhammaado 23 isla May 2019,taasi oo u dhigan in asbuuc laga jaray wakhtiga jadwalkii hore.

“Xilliga imtixaan qaadistu: 18-23 May 2019, hadaba waxaa lagu warelinayaa hawlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee ka hawlgal dhammaan goobaha waxbarashada ee dawlada Puntlaan inay ku dhaqmaan go’aankaan sare ku xusan,iyagoo tixgelinayaa dhammaystirka Muqararka waxbarasho, qaadista imtixaannada naqliga ah iyo diyaarinta goobaha imtixaanka caamka lagu qaadayo” ayaa qoraalku raaciyay.

Wasaaradda ayaa xustay in sannadkaan la adkeeyay imtixaanka maaddooyinka cilmiga Computer-ka iyo siyaasadda,si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarkii loo dejiyay, waxaana macallimiinta iyo ardayda lagu amray in ay maaddooyinkaas xoojiyaan.

Maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay.
haddaba waxaa la farayaa aradayda iyo macallimiintaba in ay maadooyinkaas ula dhaqmaan sida maadooyinka kale”
.

Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo la beddelay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this