Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Soomaaliya & 4 carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay  Qarax Tib mooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Hooyo Soomaaliyeed iyo afar carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay  Qarax Tib mooye

tib-200x300.jpg

Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay degmada Dhagax Madow ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ku qaraxday bir ay muddo dheer manaafacaadsan jireen, sida ay dad qaraabada ah sheegeen.

Ugu yaraan afar ruux oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawaac meen qaraxan.

Birtan oo la sheegay in qoyskaasi tib mooye ahaan u adeegsan jireen muddo dheer ayaa qaraxday ka dib markii mid ka mid ah caruurta dhimatay uu bir kale ku guraacay.

Waxaa la fahansan yahay in birtaasi ay ahayd haraaga miinooyinkii la adeegsanayay markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977.

Dukaan ay qoysku lahaayeen ayuu qaraxaasi ka dhacay, arrintaas ayaana horseeday in ay ku dhaawacmaan dad aan ka mid ahayn xubnaha qoyska.

“Waxaa jira dad kale oo magaaladaas ku nool oo birtan oo kale tib ahaan u isticmaala” ayuu yiri mid ka mid ah qaraabada dadkaas oo la hadlay BBC.

“Qoyska ay miinadu ku qaraxday ayaa ka koobnaa toddobo xubnood waxaana ka badbaaday aabihii iyo hal canug oo kali ah,” ayuu intaas ku sii daray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this