Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sabriye Oo Gaaray Dhuusamareeb Iyo Amaanka Magaaladaasi Oo La Adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo  wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa Dhuuamareeb uu yahay sidii kulamo uu ula qaadan lahaa madaxda Galmudug,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa caasimadda Galmudug wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Ugu danbeyn kulamada dhexmari doona wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa inta badan looga hadli doonaa doorashooyinka maamulkaasi iyo goorta ay qabsoomi doonaan.

Dhinaca kale amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana inta badan wadooyinka waawyn ee magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo amaanka xaqiijinaya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this