Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb: Wada hadal u bilowday Federaalka iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
galmudug.jpg?w=1000&ssl=1Wasiir Sabriye iyo madaxda Galmudg, Dhuusamareeb

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdigan waxaa hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Sabriye, waxayna u socdeen wada hadalo lagu xalinayo is mari-waaga Galmudug iyo dowladda dhexe.

Wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan.

Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa xiriir koodu xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Xaaf, labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galin uu sheegay ay ku hayso dowladda dhexe.

Dowlada Federaalka ayaa markaan u muuqata iney aqbashay cabashada Galmudug ayna u istaagtay in arrintaas xal waara loo helo. Xiriirka liita ee labada dhinac wuxuu shaki galiyay qabsoomida doorashada Galmudug ee loo balansan yahay bartamaha sanadkaan.

Dowlada Federaalka ayaa u muuqata inay hadda toos u wajahaheyso xaalada Galmudug. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlayay arrimaha Galmudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo.

Villa Soomaaliya waxay dooneysa in doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaanse la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wafdiga ay dowladdu maanta u dirtay Galmudug iyo hogaanka maamulkaas oo muddo gadoodsanaa.

PUNTLAND POST

The post Dhuusamareeb: Wada hadal u bilowday Federaalka iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this