Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Booqday Caasimada Labaad Ee Dalka Finland Iyo Mas’uuliyiin Uu Kulamo La Qaatay+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shalay booqasho ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, ayaa waxa uu kulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wada-shaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party.

4-1.jpg 3-1.jpg 2-1.jpg 1-1.jpg

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorahsda bisha April ee sanadkan Elina Rantanen
Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve
Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen
Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku.
Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo.
Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this