Deeq A. Posted March 26, 2019 Mandera (SMN) – Booliska magaalada Mandera ayaa baaritaan dheeraad ah ku haya ruux Soomaali ah oo looga shakiyay inuu u basaasayey Al Shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay Jimcihii la soo dhaafay, isagoo ku sugnaa duleedka magaalada Mandera oo ku dhaw xadka Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa xusay Mahad Aadan oo 34 jir si weyn loogu tuhmay in Xarakada Al Shabaab uu kala shaqeeynayay dhinaca xogaha. Maxkamadda Mandera ayaa amar ku bixisay in ciidamada Boolisku ay xabsiga ku sii hayaan ninkaasi mudo 5 maalmood ah. Ninka ay soo qabteen ciidamada Booliska ayaa ku andacooday inuusan ka tirsaneyn Al Shabaab, islamarkaana uu magaalada Mandera u yimid in soo booqdo qaar ka mid ah ehelladiisa oo ku sguan magaaladaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites