Deeq A. Posted March 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Qaxooti Soomaaliyeed oo dib looga soo celiyay dalka Suudaan. Qaxootigan oo gaaraya illaa 78 Qof ayaa xalay ka soo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi. Lataliyaha koowaad, ahna ku simahaha danjiraha JFS ee dalka Suudaan Cismaan Axmed Maxamed ayaa muwaadiniintaasi Soomaaliyeed soo sagootiyay, kuwaas oo si iskood ah u go’aansaday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Soomaaliya. Afar bilood kadib dadaal ay safaaraddu u gashay qaxootigan ayey ku suuragashay in dib loo soo celiyo dadkaasi. Ugu dambeyn muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites