Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo la kulmay madax ka tirsan DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo socday saacado badan ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray arrimo ku saabsan Jubbaland iyo DFS, maadaama uu socdo qorshe lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si uu kulamo ula qaato madaxda dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this