Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanaag: Xiisadda Puntland iyo Somaliland oo hab-beeleed looga heshiinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Odoyaasha iyo isimada gobolka Sanaag oo shir ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi ayaa hab-beeleed uga heshiiyay colaadda ka aloosan degmada Yubbe ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxa isku horfadhiistay waxgarad iyo isimo ka soo kala jeeda beelaha galbeedka iyo bariga ee gobolka Sanaag waxaana lagu go’aamiyay in ciidamada Somaliland ee u dhashay galbeedka Ceerigaabo ay ka baxaan degmada Yubbe sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen xubno goob joog ahaa shirkaasi.

Isimada dhaqanka ee ka socday bariga gobolka Sanaag ayaa shirka ka caddeeyay in aysan raalli ka ahayn joogitaanka cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ee u dhashay beesha dhexe kuwaasoo fariisimo ku leh aga’gaarka degmada Yubbe.

Taas beddelkeeda waxay ogolaadeen in cid walba oo u dhalatay bariga gobolka Sanaag ay imaan karto iyadoo aan loo eegayn calanka ay wadato iyo maamulka soo dirsaday toona.

Waxgaradka iyo isimada labada dhinac ayaa qodobada ay ku heshiiyeen u bandhigay taliyaha ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani kaasoo isaguna qoraalkii waxgaradka iyo isimada u qaaday dhinaca madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo haatan jawaab laga sugayo.

Nuxurka qoraalkan ayaa soo jeedinayaa in ciidamada Somaliland ee aan u dhalan bariga gobolka Sanaag ay ka baxaan degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoos yimaada waxaana haddii uu Muuse Biixi aqbalo halkaasi ku baaqan doona dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wakhtigan labada dhinac ka fadhiya degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta Ceerigaabo waxaana ay joogan meela isu muuqda.

PUNTLAND POST

The post Sanaag: Xiisadda Puntland iyo Somaliland oo hab-beeleed looga heshiinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this