Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.C/raxman Cirro oo booqasho ku tegey caasimadda 2aad dalka Finland+Madaxduu la kulmay & waxyaabahay ka wadahadleen+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.C/raxman Cirro oo booqasho ku tegey caasimadda 2aad dalka Finland+Ciduu la kulmay & waxyaabahay ka wadahadleen+Sawirro
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho saaka oo taariikhdu tahay 25ka March 2019 ku tegey caasimadda  labaad ee dalka Finland ee TURKU, waxaa uu  kulamo  la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wadashaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku  ee xisbiyada  National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party.
1. Gudoomiyaha Golaha deegaanka  ee Magaalada ee Turku , Finland  una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorashada bisha April ee sanadkan Elina Rantanen
2. Duqa Magaalada Turku  Finland,  Minna Arve
3. Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen
Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda  xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku.
Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda,  sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo.
Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso.
cir1.jpgcir2.jpgcir3.jpgcir4.jpgcir5.jpgcir6.jpgcir7.jpgcir8.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this