Deeq A. Posted March 25, 2019 Saraakiisha EU NAVFOR iyo mas’uuliyiinta Puntland Saraakiil ka socotay hawgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya (EU NAVFOR) oo uu hoggaaminayey sarkaalka ugu sarreeya hawgalkaasi Ricardo Hernandez ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso shir kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Saraakiishan oo ka soo degay markab ku sugan xeebta ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha ka ilaalinayan diyaaradaha sahanka ee EU NAVFOR waxaana ay shir albaabadu u xiranyihiin la qaateen wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan oo markii kulankaas dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee kulanka uu ahaa isbarasho balse ay sidoo kale ka wada hadleen qodoba ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ee Puntland iyo EU NAVFOR iyo in ay ka caawiyaan Puntland dhanka tababarka ciidanka iyo iskaashiga amniga badaha. Taliyaha hawlgalka EU NAVFOR Ricardo Hernandez oo u dhashay dalka Spain ayaa horraantii bishan Maarso xilka la wareegay isagoo socdaalkiisi ugu horreeyay ee gudaha Soomaaliya ku yimid Puntland gaar ahaanna magaalada Boosaaso. halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee wasiirka PUNTLAND POST The post Hawlgalka EU NAVFOR maxaa Puntland ka soo galay? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites