Sign in to follow this  
Deeq A.

Adigu Hadaad Daad Tahay Beerta Cali Madaxay Ma Gali Lahayd ( Abdi-Shotaly)!

Recommended Posts

Deeq A.   

Beer Iskuul dhexe ( Dugsiga dhexe) ee Oodweyne iyo tuuladda beerto la yidhaaho u dhaxaysa, oo dooxa ka xigta dhanka Bidixdda, baa waxa lahaan jirey, nin mareexaan ah oo la yidhaaho ” Cali Madaxay” Waxay beer-taasi ku taalaa meel sare oo tiiro ah, sidaas awgeed roob kaste oo da’aa ( Si kaste oo uu u weyn yahay), may geli jirin biyahu. Maalin-maalmaha ka mid ah, oo uu jirde gooye ka da’ay, baa nin soo dhex maray aagaas ay ku taalo beertu, la waydiiyey, oo la yidhi, adaa dhankaa ka yimiye, beerihii daad ma galay, Wuxu ku jawaabay haa oo way galeen, misana waxa la yidhi ” Bal Ka waran beertii Cali Madaxay? Wuxu yidhi ” Adigu hadaad daad tahay beerta Cali Madxay ma geli lahayd?” Waxan uga socdaa oo aan u soo qaatay tusaalahan ” adigu-ba caqlaad leedahee, carar maxaa dhaama? ” buu yidhi wadaadkii waalaaye, Ma yawgan meesha isku urursaday, ee ay hor boodayaan labadan jaha -wareersan ee askari, baad cadaalad iyo xaq sheeg uga fadhidaan? Waxay la mid yihiin ” Daad-kaas beerta Cali madaxay galay” oo qayrul caadi ah. Waa habeenkii xalay ee tegay oo dib kuugu soo noqday. Hore baa loo yidhi ” Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kala yaacye”, tani way iska kala dareeri doontaa” dhawaan, bishuna hortiina bay iman doontaa si dhakhso ah. Bal in aanay gari ka bixin askarta iyo daba dhilifya-doodda, kuwaas oo fandhaalo u ah lagu cuno, huntidda ummadda ee la futaynaayo, siddii muqmad Aroos, gar-gashaana aanay jirin haba-yaraatee, meel kaste oo aad maamul-koodda ka eegtid, oo aan la hayn wax cadaalad la yidhaahaa iyo garsoor, loona sinayn, ee jeegaanta aan xeer qabtaaaba jirin iyo xadhig lagu xidhaa-toona, laakiin wixii aan iyaka ahayn lagu fulinaayo, waxay ku sheegaan Distoor, kaas oo ah mid wixii aan jeegaanta ahayn loo sameeyey, daliil-kiina waa kan Muwaadin ee ku soo bood. 

3C86BD30-2141-4D10-9F10-B85AA37A3246.jpe

Bal in aanay meela ka soo gelin cadaaladi iyo xaqsoor iyo wax u eeki mid-koodna, dad beelo kale ah baa loo xidh-xidhay Musuq-maasaq, (Waa sidda ay in yidhaaheene) waase beelo la iska rabo’e, haddii ay run tahay musuq-maasaq baa la dabar go’nayaa, oo aan is tus iyo ii dheh aanay ahayn, oo aan dhaaln-teed dadka loo dhigayn, Cabdiraxmaan ( waa ka War-faafinta ay ku sheegaane), waxa kuwa hanti dhawrku ay ku soo helaan, xatooyo xoolo ummadeed, taas oo loo soo gudbiyey, Xeer-ilaalinta uu leeyahay maamulka jeegaanta ee dawlad Goboleedka Soimaliland. waana la soo xisaabiyey, waxa lagu haysto. waxa uu askarigu yidhi lama xidhi karo, Cabdiraxmaan ( Waayo waa inaadeerkii), oo waxa meesha ka shaqeeya murtiddii ahayd ” Durbaan adigu Tumo ama nin ku xigaa ha kuu tumo”. hadana dam-dam been ah iyo i-araakay i-maqlaay, sawaxan hoosta ka qalaalan, oo milil jiifo, naxli iyo cuqdadi ka buuxdo, huursanayd mudo aan qiyaas lahayni, baa sidda giraantii saabka ee dhan-gedaha kale isku wadda xidhi jirtay oo kale, loo seeteeyey beelihii kale. Ruuxa maanta aan weli wax ogaani, waa mid aan xoolaha dhaamin, oo sidda askarta ah ” Laguma dhaamee dhaqaaq” oo loo ilaashado qaabkii xoolaha loo raaci jirey, ee neefka meel uga baydha dib loo soo celin jirey. waxan idin sheegayaa, qofkii u fadhiya wax Somaliland la yidhahao baa jiraw, waxad ka dhigan tahay, daayeerkii la yidhi qadhaab ka waran?, Ee ku jawaabay ” Tun-kayga iyo tagoogayga ka eeg”. ujeedo waxa weeye Somaliland wax la yidhaaho, hadeer gorayga baa ka hadaafay, ee candhuuf-tiina dib uga liqa, wax jira maaha imika’e. oo wasiirkii arimaha debedda ee Ereteriya,baabu askarigu sii faray in uu rabo isku noqosho somaliya ah.

Xununal-qarqooshka Labadda Askari, ay ku dumaaleen Somaliland, qurba-siraadka bilaa sharciga ah, baan doonayaa in aan maanta shaaca idiinka qaado, maamul-koodda canda-dawlan, ee ayaan-ba-ayaanta ka damabysa ka sii darayaan, siddii ciyaartiigodod-laha ahayd ee” Dhan-walba u bood” uu xaalku hadeer u shaqaynaayo, taas oo micna-heedu yahay, wax kaa xaaranti-maysani ma jiraan, ee iska walaaqdda, idinka baa mididda daab-keedda haysta’e, waayo markii hore baanay xalaal ku iman, ee kufsi ay ku uureeyeen, siddii baanay nirig xaaraan ah ugu dhashay, markaa ma waxad ka sugaysaan, in xaaraani ay xalaal kuu dhasho, qofkii taas u fadhiyaw waxad ku riyootay been iyo munaafaqad, aan meela looga soo wareegin, waxana aad tahay doc iskaga baydh, si gaar ah loogu adeegto. Danta guud ee dalka iyo dadka ka door biday, isku xaaafad baanu ka nimi iyo rux-rux-doon dhuunta u dhintay, xil-dhaadhi wax uu boobo u bartay, siddii uu sheegaayey Xaaji Aadan Af-Qalooc (IHN) ee uu lahaa ” Waash-maan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye”. tusaale u qaado, oo waxad is waydiisaa Labadan Askari ee isku sheega, Magac ay isu bixiyeen, meela aanay ka soo gelin, haddii aanay ku qaadan beri baanu xuduudda ka talawnay ( Waa Mujaahide), iyaka oo laba cumaama-dood, ay madaxa ugu duuban yihiin bay soo galeene, xagee bay ka keeneen? Maaliyadda intaa le’eg ee ay haystaan, saw boob iyo hanti umadeed maaha, haddii aad illaahay ka baqayso, oo aanay kugu abuurnayn reer hebel, oo aanad iyaka u sujuudayn, Waa shaki la’aan aan geed-na loogu soo gaban, xoolaha gacmaha ugu jiraa, in ay yihiin tii ummadda oo tuuganimo lagu dhacay. 

N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dheregye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

ashotaly5@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this