Sign in to follow this  
Deeq A.

Booqashada A/Madoobe oo ay ka muuqatay wax laba sano ka hor uusan haysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax u muuqda inay yihiin kalsooni siyaasadeed middii ugu weyneyd ayaa laga dareemay booqashada uu Axmed Madoobe kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Kuma filneyn kaliya waddooyinka magaalada oo loo xiro imaatinkiisa. Wuxuu si lagu faani karo ula soo degay guutooyin ciidamo si fiican u qalabeysan kuwaas oo hareer socday. Laba sannadood kahor markii uu imaanayay halkan, Madoobe wuxuu u muuqday sida qof caadiga. Maanta oo kaddib laba toddobaad un wax ka yar uu magaalada Kismaayo ku qaabilay R/W Kheyre, wuxuu ugu danbeyn ku yimid balan-qaadkiisii ahaa inuu imaan doono Muqdisho.

Madoobe oo goor hore lumiyay saaxiibadii garabkii taagnaa, waxaa cad inuu hadda diyaar u yahay inuu micno walba oo suura-gelin kara wada-shaqeynta dowladda dhexe uu la gaaro madaxda qaranka. Hayeeshe, taasi ma ahan mid u sahlan sida loo yiri.

Dib-u-raacista taxanaha dhex yaal labada dhinac wuxuu marwalba ku dhisnaa sedbursiino. Wuxuuna Madoobe marwalba – isaga oo helaya taageerada saaxiibadii ay isla aas-aaseen Golaha Iskaashiga – aad u  quudarreyn jiray inuu kaalin libaax ku yeesho siyaasadda gobalka iyo tan dibadda.

Sidoo kale, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya ee Kismaayo dagaal ba’an kaddib al-Shabaab ku qasbay inay isaga baxaan, Madoobe wuxuu hadiyo jeer lahaa kalsooni dheeraad ah oo aanay qabin xubnihii ay iskala tirsanaayeen Golaha. Waxa Jubbaland ay kaga duwan tahay maamullada kale waa iyada oo amnigeeda uusan ganacta ugu jirin Itoobiya, balse ay gooni u ilaashato Kenya.

Hadda oo Madoobe mar kale – isaga oo xanbaarsan fikir ka duwan kii uu ka qabay dowladdan sannad kahor, uu soo gaaray caasimadda, waxaa iska cad inuusan ku qanci doonin inaan la fara-gelin taliskiisa. Taasina uu ku bixin doono micno walba oo maangal ka dhigi kara si uu ku xaqiijiyo.

Balse maxay noqon karaan micnayaashaas? Khubarada ayaa aaminsan in Axmed uusan dooneyn in sida saaxiibadii hore aan si toos ah iyo mid dadban intaba aan lagu dayin is-beddelka laga yaabo inay ku timaado doorashada soo socta ee ka dhacaysa Jubbaland.

Taas beddelkeeda, wuxuu ku qanacsan yahay inuu si toos isaga oo isku kalsoon uu kaga qeybgalo doorashada. Hayeeshe, dhicitaanka doorashada laftigeeda ayaa laga fahmi karaa haddii Axmed isku arko xulka kusoo bixi kara doonista NabadIyoNolol. Tallaabooyinka xigi kara  kaddib kulamada uu Muqdisho kula qaatay madaxweyne Farmaajo ayaana taas laga garan doonaa.

Mid kale oo waxaa jirta u furan labada dhinac, taasina waxay ku imaanaysaa is-weydaarsiga fursadaha labada dhinac ay iska dhex arki karaan. In haddaba aan lagu kala dhaqaaqin is-nabdaadin balse loo dhaadhaco gunta hoose ee iskaashiga, waxay labada dhinac mid kasta gaarkiisa u siinaysa fursad uu ma labaad ku sahmiyo wixii kaga qaldamay tagtadii hore.

W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this