Sign in to follow this  
Deeq A.

Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal

muniir-300x200.jpeg

“Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed CigaalBurco iyadaa isku habsaantaye Bacaadka ha fadhido..

 

maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen  bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal  bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi
Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo  Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi  maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin?  Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay  waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka,  waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana  ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay  cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin..
Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban..

Tusan .

.Muniir Axmed Cigaal

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this