Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyay,isagoona sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la yeelan doono Madaxda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

j1j2j4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this