Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Carabta oo kulan ka yeelanaya arrimaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis  (SMN) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shir looga hadlayo arirmaha dalal ay ku jirto Soomaaliya ku yeelanaya magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia.

Waxaana magaalada Tunis gaaray qaar ka mid ah wufuuda ka qeyb galeysa kulankaasi oo u badan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacada Carabta.

Agendaha shirkaasi ayaa lagu sheegay in looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ka taagan dalalka Siiriya,Somalia, falastiin iyo faran gelin ay Iran ku hEyso qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacada Carabta.

Madaxda Ururkan ayaa shirkooda magaalada Tunis kaga hadli doona sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa ladagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale ma,uuliyiinta Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in ay ka doodaan qaabka ugu macquulsan ee looga shaqeyn lahaa horumarka nabadda Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ay la dageen colaadaha.

Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa hore  u ballan qaaday in Soomaaliya ay ka caawinayaan dhinaca ammaanka si dib loogu soo celiyo xasiloonida dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this