Deeq A. Posted March 25, 2019 Balcad (SMN) – Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Tuulooyinka Yaaqle, Shanlow, Dhagaxlow iyo deegaanka Xawaadley ayaa la sheegay in ay qabsadeen Al Shabaab, kadib markii ay ka soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaalayannada Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanadaasi, iyagoo meel fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalmihii dambe ciidanka DFS ay soo baneynayeen xarumo milatari, sababo la xariira Mushaar la’aan heysata ciidamadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites